Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed oo Tababar ku Saabsan Badqabka iyo Tayada Cuntada u Qabatay Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Back
News 18 October 2026 1 min readBy SoBS Communications

Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed oo Tababar ku Saabsan Badqabka iyo Tayada Cuntada u Qabatay Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed (HTS) ayaa xarunteeda dhexe ee Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan badqabka iyo tayada cuntada, kaas oo loo qabtay ardayda heerka labaad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda barnaamijka One Health ee Kulliyadda Xannaanada Xoolaha.

Photo gallery · 5 images
Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed oo Tababar ku Saabsan Badqabka iyo Tayada Cuntada u Qabatay Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed — photo 1 of 5
1 / 5

Muqdisho, 18ka Oktoobar 2026 – Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed (HTS) ayaa maanta xarunteeda dhexe ee magaalada Muqdisho ku qabatay tababar ku saabsan badqabka iyo tayada cuntada, kaas oo ay ka faa’iideysteen ardayda sannadka ugu dambeeya ee heerka labaad (Master’s Degree), gaar ahaan kuwa dhigta barnaamijka One Health ee Kulliyadda Xannaanada Xoolaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Halbeegyada iyo Ganacsiga ee HTS ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta badqabka cuntada, kor u qaadista tayada badeecooyinka iyo doorka halbeegyada caalamiga ah ee xaqiijinta caafimaadka iyo badqabka bulshada.

Tababarka waxaa si rasmi ah u daahfuray Xoghayaha Guud ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed, Mudane Guled Mohamed Rashid, oo uga mahadceliyey maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo ardayda ka qaybgalay sida ay uga go’an tahay ka qaybqaadashada dadaallada lagu horumarinayo nidaamka tayo-dhawrka dalka.

Dhankiisa, Agaasimaha Waaxda Halbeegyada iyo Ganacsiga ee HTS, Mudane Abdikadir Abdisalam, ayaa ku dhiirrigeliyey ardayda iyo bahda waxbarashada inay door muuqda ka qaataan ilaalinta badqabka cuntada, horumarinta tayada badeecooyinka iyo faafinta aqoonta la xiriirta halbeegyada tayada.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed ku xoojinayso wacyigelinta, kobcinta aqoonta iyo iskaashiga ay la leedahay hay’adaha waxbarashada sare, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa hirgelinta halbeegyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Ururka Caalamiga ah ee Halbeegyada (ISO).

Hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed waxay sii wadaysaa dadaalladeeda ku aaddan dhisidda nidaam tayo-dhawr oo lagu kalsoonaan karo, kaas oo gacan ka geysanaya ilaalinta caafimaadka bulshada, xaqiijinta badqabka cuntada iyo horumarinta tayada wax-soo-saarka dalka.

Cookie Notice

We use cookies to improve your experience.

SOBS uses essential and analytics cookies to operate this website and understand how visitors interact with our content. You can accept or decline non-essential cookies.